Ninkii Xabadeeyay dad ku banaan baxayay Muqdisho oo la xiray iyo Dowlada oo …

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jmcaale ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka xireen askari dhar cad ah oo dhawaan rasaas ku riday dhalinyaro ku banaan baxeesay Muqdisho.

Xasan Xundubey ayaa sheegay in ninka rasaasta ku riday dadka banaan baxayay uu katirsan yahay ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay xiliga uu rasaasta ridayay uu ahaa dharcad .

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya in askarigan isla markiiba ay xireen laamaha amaanka, waxa uuna tilmaamay in la marsiin doono sharciga uuna hada ku jiro gacanta dowlada.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Askarigan rasaasta ku riday dibad baxayaasha ayaa dhawaan laga duubay muuqaal isaga oo rasaas ku ridaya sidoo kale biskoolad ku qabanaya gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah oo dhigayay banaan bax ka dhan ahy Madaxweyne Farmaajo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -