Shirkado Ajnabi ah oo la sheegay in loo xiray Wadooyin muhiim ah oo kuyaala Muqdisho

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in qaar kamid ah wadooyinka muhiim ah ee Muqdisho u xiran yihiin Hay’addo shisheeye.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Wadajir in la xiray wadooyinka isku xira Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde sababo la xariira in shirkado ajnabi ah loo saxiixayo xirmooyin shidaal ah.

”Wadooyinka ka soo baxa madaxtooyada ee gala garoonka diyaaradaha waxay u xiran yihiin shirkado ajnabi ah oo loo saxiixayo xirmooyin shidaal, iyadoo aan la marin shuruucdii iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Sababta ugu wayn ee xilligan heshiiska loogu degdegayo, iyadoo muddo xileedkii dawlada uu gebogebo yahay waa in shirkadaas laga helo dhaqaale lagu galo doorashada.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan kasoo yeeray Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xili shalay qoraal ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweyne kaga digeen  heshiis shidaal baaris ah oo Dowlada Soomaaliya la galayso shirkaddo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -