Xiliga lasoo gabo gabeenayo Dhismaha Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo la shaaciyay

Waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismaha laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dhismaha laamigan maalgalineysa dowlada Qadar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeer ku tagay dhismaha laamigaasi si uu u qiimeeyo halka ay marayo dhismaha laamiga.

Cumar Filish ayaa sheegay in laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye loo dhisay labo dhinac, waxa uuna xusay in xiligan gabo gabo mareyso dhismaha laamigaasi oo mudo dheer socday.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in dhismaha laamigan oo muhiim u ah isku xirka Gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose lasoo gabo gabeyn doono mudo labo todobaad gudaheed.

Dhismaha laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa qaatay mudo ka badan intii la filayay, waxaana loo sababeeyay xaalado amaan daro iyo in marar badan la weeraray lana dilay ajaaniib iyo shaqaale kale oo laamigaasi dhisayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -