Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha Mashaariic cusub (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday Waaxyaha Wasaaraddu ka koobantahay, isagoo warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta Xafiisyada kala duwan, oo la wadaagay Madaxweynaha shaqooyinka ay qabtaan.

Dhinaca kale, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isla maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban-yahay dhismahani cusub oo isugu jira xafiisyo iyo xarun shirar, wuxuuna Madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -