RW Rooble oo ka qeyb galay bandhiga naqshada cusub ee Jaamacadda Ummada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goob-joog u ahaa munaasabad lagu soo bandhigayay naqshadda cusub ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Gahayr, isla markaana yabooh maaliyadeed loogu raadinayay dhismaha xarunta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saxiibada caalamka in laga qeyb qaato dib u dhiska Jaamacadda.

Xaruntii Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo burbur xooggan ka soo gaaray dagaalladii dalka ka dhacay ayaa lagu qiimeeyey dhaqaalaha ku baxaya 190 Malyan oo Doolar, waana taas sababta keentay in la qabto barmaanijkaan dhaqaalaha loogu raadinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in uu kamid ahaa ardaydii ka soo baxday xarunta Gahayr, uuna garanayo qiimaha iyo ahmiyadda ay ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed in dib loo howlgeliyo muddo soddon sano ah, xukuumaddiisuna ay kaalin mug leh ka geysan doonto.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Marwo Emanuela Del Re ayaa kala saxiixday heshiis ku qotoma xoojinta iskaashiga labada dal.

Iyadoo Dowladda Talyaanigu ay ku wareejisay Soomaaliya deeq loogu talagalay wax ka qabashada duufaantii dhowaan ku dhufatay Puntland ee Gati.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -