(Daawo Sawirro) Sida biyaha roobku u buuxiyeen Garaash Muqdisho ku yaalla oo gaadiidka cusub lagu iibiyo

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan saameyn adag oo ka dhalatay Roobab xalay illaa maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho, waxayna geysteen roobabkaas khasaarooyin naf iyo maalba leh.

Inkastoo aan la soo koobi Karin dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay roobabka ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa haddana meelaha la hadal hayo inuu khasaaraha ka geystay waxaa ka mid ah garaash ay ganacsato Soomaaliyeed ku leeyihiin wadada u baxda garoonka Aadan cadde.

Garaashkan oo caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu iibiyaa gaadiidka cusub, waxaana buux dhaafiyey biyo fara badan oo qariyey gaadiidkii cusbaa ee garaashka ka jirtay sida aad ku arki kartaan sawirada hoose.

Roobkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu  Xooganaa ee muddo sanado ah ka da’a magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda waxaa ku naf waayey illaa 6 ruux oo ay ku jireen caruur ay daadadku qaadeen, iyadoo guryo ka badan 300 ay ku burbureen sida uu sheegay duqa Muqdisho.

Heyadaha saadaasha hawada ayaa sheegaya in roobabkan ay sii socon doonaan maalmaha soo socda, iyagoo ka digay saameynta ka dhalan karta.

Roobabka ka da’aya magaalada ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay boqolaalka kun ee dadka gudaha ku barakacay oo aan haysan hoy wanaagsan oo ay ka gali karaan daadadka soo rogmanaya.

Daadad ka dhashay roobabka da’aya ayaa keenay inay biyo galaan xaafadaha isku, taasi oo qoysas badan ku keentay in xalay illaa maanta oo dhan ay soo jeedaan, isla markaana biyaha ka saaraan guryahooda.

Roobab, dabeylo iyo fatahaado ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ka da’ayay dhulka Soomaalida, kuwaasi oo barakiciyay kumanaan qof, baabi’iyayna hanti badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -