Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya iska horimaadkii saaka ka dhacay degmada Waaberi

Waxaa soo baxaya faahfaahino cusub oo ku saabsan iska horimaad saaka ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimadkan oo ka dhacay wadada isku xirta Buundada Anzalooti iyo xerada Afisiyooni ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabad sugida Somalia iyo kuwa Booliska ilaalinta canshuuraha (Turubaariyo).

Goob joogayaal ayaa ku waramay in iska horimaadku bilowday markii ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen labo nin oo ka tirsan ciidanka dharcada ah ee NISA, kuwaasoo uu ku jiray Sarkaal magaciisa la oran jiray C/llaahi Xassan Cagaweyne, waxaana la isweydaarsaday rasaas khalkhal gelisay degaanka.

Warar aanu ka helnay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Booliska DF ayaa sheegaya in xarunta CID-da lagu xiray labo askari oo ka tirsan Booliska ilaalinta canshuuraha oo loo heysto iney ka dambeeyeen dilka xubnaha ka tirsan NISA.

Weli ma cadda sababta keentay isku dhaca labada dhinac balse wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso muran la xiriira canshuuraha, taliska Booliskana weli war rasmi ah kama soo saarin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -