Abwaan iyo Qoraa isaga oo xabsi ku jira ku guuleestay Abaal marin muhiim ah !!

Amanuel Asrat oo ahaa Abwaan iyo qoraa u dhashay dalka Eritrea ayaa ku guuleestay abaalmarinta sanadkan 2020 uu bixiyay Ururka xorriyatul-qowlka ee English PEN ee ka aas aasan dalka Britain.

Abwaankan abaalmarinta ku guuleestay ayaa la xiray 19-sano kahor xiligaas uu ahaa tafatiraha Wargeyska Zemen, waxaana abwaankan loo xiray in uu mucaarad ku ahaa siyaasada Madaxweynaha dalka Eritrea Afewerki.

Amanuel Asrat, ayaana tan iyo markii xabsiga la dhigay laheyn war iyo wacaalkiisa, waxaana abaalmarintan in la gudoonsiiyo isaga oo xabsi lagu ogaa soo jeediyay Linton Kwesi Johnson oo ah gabyaa u dhashay Britain.

Abaalmarintan la gudoonsiiyay abwaankan u dfhashay dalka Eritrea ee noloshiisa war laga heyn xiligan waxaa u gudoomay walaakiis, waxa uuna hab Online ah ka aqriyay mid kamid ah gabayadii uu tiriyay walaalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -