Messi oo Go’aan Wadnaha jaray u gudbiyay Barcelona iyo Jawaab lama filaan ah oo la siiyay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay go’aanka uu Lionel Messi ka gaadhay mustaqbalkiisa ee ah inuu iskaga tago iyo codsi uu u diray maamulka oo uu kaga dalbaday in si bilaash ah lagu sii daayo si inta ka hadhay waayihiisa ciyaareed uu ugu dhamaysto koox kale.

Laacibka reer Argentina ayaa xalay gilgilay Barcelona markii warqad uu u diray Madaxweyne Bartomeu uu kaga codsaday in kooxdu ka furto albaabka oo uu si bilaash ah uga tago, iyagoo waliba ku ixtiraamaya wixii uu usoo qabtay iyo guulihii faraha badnaa ee uu kusoo hoggaamiyey.

Lionel Messi oo xili ciyaareedkii hadda dhamaaday badhtamihiisii ay isku dhaceen maamulka kooxda, gaar ahaan xilligii uu dillaacay fayraska Korona oo mushahar dhimis lagu sameeyey dhamaan ciyaartoyda, markaas oo kabtanku uu ku eedeeyey maamulka in ciyaartoyda ay culays badan saarayaan, ulaba wajiilaynayaan, sidoo kalena aanay daacad ahayn.

Khilaafkaas ayaa waxa xigay in kooxdu ay xili ciyaareedka dhamaaday aanay wax koob ah ku guuleysanin, isla markaana ay ku dhamaysatay bahdilaaddii ugu weynayd ee abid ka dhacda tartanka Champions League oo ay Bayern Munich ku garaacday 8-2.

Messi oo Warqad u diray Maamulaha Kooxda Barceola Bartomeu iyo maamulka kale ee naadiga ayaa ka codsaday in heshiiskii u ogolaanayay inuu sida xorta ah uga bixi karo kooxda dib loogu ogolaado maadaama waqtigii uu heshiiskaasi shaqayn lahaa ay ku ekayd June 1.

Jawaabta la sugayay ayaa ahayd waxa ay kooxda reer Spain ee Barcelona ka odhan doonto codsiga iyo go’aanka wada socda ee uga yimid xiddigooda u qaaday afarta Champions League, tobanka LaLiga iyo koobabka kale ee tirada badan ee maxalliga iyo heer qaadadeed ba iskugu jira.

Barcelona ayaan kala daahin jawaabteeda, waxaanay si degdeg ah ugu sheegtay Lionel Messi in aanay marnaba u ogolaan doonin inuu si bilaash ah kaga baxo kooxda, isla markaana laga soo gudbay xilligii uu shaqaynayay qodobka ku jiray heshiiskaas oo uu isagu ka faa’iidaysan waayay, haddana ay gacantooda ku jirto awooddu.

Warkan oo ay shaacisay idaacadda Cadena Ser, waxay Barcelona ku wargelisay xiddiga reer Argentine in kooxdu ay xaq u leedahay inay mustaqbalkiisa go’aamiso, warkooduna yahay in aanay haba yaraatee gorgortan ka gelin oo uu dhamaysto waqtigiisa, haddii kalena uu bixiyo lacagta ku xidhan heshiiskiisa oo dhan 700 milyan oo Euro.

33 jirkani oo Barcelona u dhaliyey 637 gool 731 ciyaarood oo uu saftay, waxa la sugayaa tallaabada xigta ee uu qaadi doono kaddib jawaabta kooxdu siisay, iyadoo haddaba ay soo baxayaan warar sheegaya inuu diiday inuu kusoo laabto tababarka kooxda oo uu u sheegay in aanay ku xisaabtamin.

Dhinaca kale, Kabtankii hore ee Barcelona ee Carles Puyol ayaa hoggaanka u qabtay xiddigo waaweyn oo hore iyo kuwa hadda  jooga Barca oo garab istaagay xiddiga kooxdaas ee Lionel Messi oo caawa go’aan argagax geliyey jamaahiirta kooxdaas miiska u saaray maamulka.

Kabtan Lionel Messi waxa markii uu go’aankiisa shaaciyey uu taageero weyn ka helay ciyaaaryahannadii hore ee kooxda qaarkood, waxaana halyeygii ugu horreeyey ee hadlay uu noqday kabtankii hore ee Barcelona ee Carles Puyol, waxaanu dalbaday in ixtiraam iyo tixgelin la siiyo Messi.

Waxa uu Puyol sheegay inuu garab taagan yahay Messi oo uu ku sifeeyey inuu yahay saaxiibkii oo uu ixtiraam iyo qaddarin u hayo.

Farriin uu ku daabacay bartiisa Twitterka ayuu Puyol ku yidhi: “Ixtiraam iyo qaddain, Leo. Waan ku garab taaganahay saaxiib.”

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez oo isagana la sheegay in tababare Ronald Koeman uu u sheegay inuu fasax yahay, kooxdii uu u ciyaari lahaana uu raadsado, ayaa isaguna garab istaagay saaxiibkii Lionel Messi oo ay aad iskugu dhow yihiin.

Suarez iyo Messi ayaa saaxiibtinimadooda aanu daah saarnayn, waxaana xataa marka ay fasaxyada gelayaan ay qoysaskooda u wada qaataan hal meel.

Luis Suarez ayaa qoraalka uu Carles Puyol soo qoray jawaab ka bixiyey, waxaanu ku hoos qoray calaamad muujinaysa inuu la dhacsan yahay go’aanka Messi, isaga oo soo dhigay ‘SAWIR SACAB TUMAYA’, taas oo ka dhigan inuu la dhacsan yahay go’aanka Messi.

Dhinaca kale, taageereyaasha Barcelona ayaa iskugu soo baxay bannaanka garoonka Camp Nou, waxaana marba marka ka dambaysa soo badanaya jamaahiirta yaabban, iyadoo sawirrada laga soo qaadayo ay marba tiradu kasii badanayso intii hore.

W/QAbdiwahab Ahmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -