Mashaariic Dan Guud ah oo laga Daah furay Degmo Xeebeedka Warsheekh (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana Madaxweynaha uu u kuur galayay Xaaladda Amni, Midda Nololeed, iyo tan arrinaha Bulshada Warsheekh.
 
Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehelinayay Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Hirshabelle,wasiir ku xigeeno,xildhibaano,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle, waxaana Warsheekh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.
 
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xariga ka jaray mashaariic Dan Guud ah oo laga hirgeliyay degmada Warsheekh isagoo sidoo kale daahfuray gogol dib u heshiisiineed oo beelaha dega degmooyinka Warsheekh iyo Caddale.
 
Booqashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Degmada Warsheekh waxaa uu kula kulmay Maamulka Degmadaas iyo Xildhibaanada Golaha deegaanka, isagoo ka xog-wareystay xaaladda deegaanka iyo Arrimo kale.
 
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kulankii uu la yeeshay xubnaha deegaanka degmada Warsheekh waxa uu kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen midnimada iyo ammaanka degmada ku taal xeebta Badweynta Hindiya.
- Advertisement -