Qof laga shakiyay oo laga dhax xiray Diyaarada Turkish Airlines xili Muqdisho ka duuleysay

Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in saacado maanta dib u dhacday duulimaadka Diyaarada Turkish Airlines kaga bixi jirtay Garoonka Aadan Cadde.

Diyaarada Turkish Airlines ayaa sida caadiga ah inta badan ka duuli jirtay garoonka diyaaradaha 10-ka subaxnimo, hasa ahaatee maanta waxa ay ka duushay 1-da Duhurnimo kadib markii diyaarada buuq ka abuuray nin kamid ahaa rakaabka diyaarada.

Qof kamid ah rakaabka Diyaarada saarnaa ayaa u sheegay Allbanaadir Online in nin kamid ahaa Rakaabka uu diiday in uu xirto Face Mask ama waji xirka looga hortago Caronavirus, buuqa arintaasi ka dhashay ayaa markii dambe sababay in ninkaasi laga shakiyo.

Ninkan diiday in uu xiro afxirashada ayaa sidoo kale la sheegay in uu caayay shaqaalaha diyaarada Turkish Airways iyo shaqaalo katirsan Wasaarada caafimaadka, Shaqaalaha diyaarada oo ninkan ka shakiyay ayaana booliiska ku war galiyay kiiskiisa.

Ciidamada booliska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaana la wareegay kiiska ninkan buuqa ka dhax abuuray diyaarada , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in diyaarada markii dambe duushay kadib markii laga reebay ninkii buuqa iyo dib u dhaca ku keenay duulimaadka diyaaradaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -