Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday iyo uu sameeyo labo arin midood runtana cadeeyo !!!

Hogaamiyaha Xisbiga Sahan Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay Khudbadii maanta uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo ay ka muuqatay Rajo beel iyo in uusab dooneyn heshiis siyaasadeed.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Guuleed soo saaray

Hadal jeedintii uu maanta madaxweyne Farmaajo ka sameeyay Baarlamaanka waxaa ka muuqatay rajo beel, waxeyna muujisay inuusan dooneyn inuu heshiis siyaasadeed la gaaro dhinacyada kale sida maamul gobolleedyada iyo xisbiyada.

Hadalka madaxweynuhu wuxuu dhaawac ku ahaa shirkii Dhuusamareeb 2 iyo midka soo socda ee Dhuusamareeb 3. Waxaa laga fahmi karay inuusan ugu socon Dhuusamareeb in heshiis la gaaro. Madaxweynuhu uma hadlin sida hogaamiye xaldoon ah, waxna uma hambeyn raga uu rabo inuu kula shirko Dhuusamareeb.

Waxaa ka muuqatay inuusan rabin in dalka doorasho ka dhacdo iyo inuu wali ku hamminaayo inuu helo mudo korarsi, taas oo ah mid aan la aqbali karin, dalkana dhibaato u horseedi karta.

Sida uu maanta u hadlay madaxweynuhu, dib u dhigistiisa dhismaha xukuumadii fulin la aheyd arrimaha doorashooyinka iyo ballantiisii aheyd inuusan wax go’aan ah ku gaari doonin shirka Dhuusamareeb, waxey cabsi ku tahay dhamaadka mudo xilleedkiisa, waxeyna dhinacyada kale ku qasbi doontaa iney isugu yimaadaan wadatashi ka madaxbanaan Dowladda Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo waxaa laga doonayaa loogana fadhiyaa labo midkood:

1. Inuu ku adkeysto in isaga iyo hay’addaha Dowladda ee Xamar fadhiya ee waqtigoodu dhamaadka yahay iney yihiin cida iskaleh go’aammada doorashada oo aaney cid kale waxba la wadaagin, taas oo salka ku heysa muddo kororsi.

2. Inuu si niyad sami ah uga qeybgalo shirka Dhuusamareeb 3, oo uu wada xaajood dhab ah la galo madaxda Dowlad Goballeedyada iyo xisbiyada mucaaradka ah si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dalka ku hogaamiya qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waqtigeedii ku dhacda.

  1. Wixii intaas kasoo hara madaxweynuhu wuxuu sameynaya ismiidaamin siyaasadeed wuxuuna u baahan yahay in gacanta laga qabto, oo dalka la badbaadiyo.

 

- Advertisement -