Ciidamada Puntland oo la wareegay xarun weyn oo lagu kala wareejin jiray Khamriga (Sawirro)

Sawirro÷ Ciidmada Amaanka oo la wareegay Saldhigii ugu weyn oo lagu kala wareejin jiray Khamriga la soo galiyo Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Amniga maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan guud ahaan Xeradii kabida oo Noqtay saldhig weyn oo lagu kala wareejin jiray dhamaan khamriga la soo galiyo Magaalada Gaalkacyo.

Howgalka inta uu socday waxaa ku dhintay taliyihii ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland , waxaa sidoo kale howlgalkaasi ka dhashay khasaaro kale oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac .

Ciidamada maamulka Puntland gacanta lagu dhigay 5 kamid ah oo kuwa ka ganacsada maandooriyaha khamriga ee ku sugnaa Warshada ksbista iyo hub ay wateen.

Howlglka Ciidamada ay kula Wareegeen Xerada kabida ee Magaalada Gaalkacyo waxaa Amaray Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni oo maalmaham ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Gobalka iyo kuwa Degmada oo gaaray Xerada kabida ayaa waxa ay ku soo arkeen godad iyo Baraag Wayn oo khamriga lagu qarin jiray.

Duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali oo warbaahinta kula hadlay Xerada Kabida ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay ku Gacanta ku dhigeen Saldhigii ugu waynaa ee khamriga la soo galiyo Magaalada Gaalkacyo lagu kala wareejin jiray waxaa uuna Ciidamada Howlgalka fuliyay uu ku Amaanay Shaqada ay qaateen madaa saldhigaa Khamriga lagu iibiyo uu Qatar badan uu ku ahaa Amniga Magalada Galkacyo.

- Advertisement -