Dowlad Muslim ah oo balan qaaday dib u dhiska Dakaddi Beyruut ee qaraxu baabi’yay

Dekadda magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan waxaa dhawaan ka dhacay qarax aad u xoogan oo galaaftay nolosha dad ka badan 130-qof sidoo kale ku dhaawacmeen kumanaan qof.

Qaraxan ayaa sidoo kale bur buriyay dekadda magaalada Beyruut iyo qeybo badan oo caasimada Beyruut kamid ah, saameynta uu reebay qaraxan ayaana wali si weyn looga dareemayaa magaalada Beyruut.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga Fuat Oktay oo kulan la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa balan qaaday in dowlada Turkiga gacan weyn ka geesaneyso dib u dhiska dekadda magaalada Beyruut.

Fuat Oktay ayaa sidoo kale sheegay in Dekadda Mersin ee Turkiga, ee ku taal badda Mediterranean in ay diyaar u tahay in ay Lubnaan ka caawiso adeegyada kastam-ka iyo keydinta shixnadaha waaweyn illaa Dekadda Beirut dib loo dhiso.

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale balan qaaday in diyaarado ambalaas ah u direyso magaalada Lubnaan si loogu soo qaado dhaawacyada halista ah ee wax looga qaban waayay isbitaalada kuyaala dalkaasi.

Turkiga ayaana horey Lubnaan ugu diray howlwadeeno caafimaad iyo shixnado daawo ah, waxa ayna dowlada Turkiga hadana wadaa in ay caawinaad dheeraad ah siiso shacabka iyo dowlada Lubnaan ee musiibadu ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -