Shirkada Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii ay Muqdisho ku tagi jirtay

Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta shaacisay in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyin dhoor ah ay ku jirto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

War kasoo baxay maamulka sare ee shirkada Diyaarada Kenya Airways ayaa lagu sheegay in ay joojisay shirkada duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyinka Muqdisho ,Luanda, Khartoum, Maputo, Brazzaville, Blantyre iyo Bamako.

Shirkada Kenyan Airways ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan bahwadaagta wada shaqeynta kala dhaxeysa ee ka shaqeeya magaalooyinka ay hada joojisay Shirkada kenya Airways duulimaadyadii ay ku tagi jirtay.

Warka kasoo baxay Kenyan Airways laguma shaacin sababta keentay in xiligan joojiso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyinkan Muqdisho ku jirto, sidoo kale shirkada ma cadeyn in go’aankan yahay KMG iyo in kale.

Go’aankan shirkada diyaaradaha Kenya Airways kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Farmaajo ka hor yimid kuna diiday go’aan kasoo baxay golaha Wasiirada oo lagu fasaxay in jaadka Kenya dib loo fasaxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -