Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii talada kaga horeeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta hoyga uu ka degenyahay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Du’aale Geelle Xaaf.

Kulanka Madaxweyne Qoor Qoor kula qaatay Muqdisho ayaa u badnaa salaan iyo kala warqaadid xaalada siyaasadeed ee dalka iyo tan Deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho kulamo kula qaadanaya Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Safarkan magaalada Muqdisho ku joogo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu caasimada ku yimaado tan iyo markii xilka Madaxweyne loo doortay.

- Advertisement -