Baarlamanka dalka Turkiga oo ansixiyey sharci adag oo muran xoog leh dhaliyey

Baarlamanka Turkiga ayaa meelmariyay sharci si adag u xakameynayo baraha bulshada. Waana tallaabo ay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ku tilmaameen mid halis ku ah xoriyatul qowlka

Sharciga wuxuu dhigayaa in qof kastoo leh bog ay ku xiran yihiin in ka badan hal milyan oo Turki ah, inuu xafiis ka furto dalka uuna u hoggaansamo dalab kasta oo ah in ay farriimaha qaar tiraan.

Haddii Shirkadaha ay diidaan waxay wajihi doonaan ganaax iyo in qadka internet-ka laga jaro. Facebook, Twitter iyo YouTube weli kama aysan hadlin go’aankan.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay “middii ugu dambeysay oo weerar toos ah ku ah xuriyadda hadalka ee Turkiga”.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa baraha bulshada ku tilmaamay “anshax xumo” mana uusan qarinin sida uu u jecel yahay in si adag loo xakameeyo.

Xeerka waxaa dalbaday xisbiga talada haya ee AKP iyo midka xulafada la ah ee MHP, kuwaasoo haystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga.

Sharcigan cusubna wuxuu ogolaanaya in shirkadaha laga jaro internet-ka boqolkiiba 95, taasoo sababeysa inay shaqeyn waayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -