(Sawirro) Saraakiil ka tirsan ciidanka Gor-gor oo tababar loogu soo xiray Saldhiga Turkiga

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jiray leyli sarkaal, saraakiil xigeeno iyo ururka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray dugsiga tababar Ciidanka ee Turksom.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiirka Gaashaandhiga dalka Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka, taliyaasha qeybaha kale duwan ee Ciidanka Xooga Dalka, saraakiil iyo diplomaasiyiin ka socotay walaalaha Turkiga iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn saraakiishii tababarkan mudada uu socday kaalimaha ugu horeeya ka galay ayaa sheegay in dadaalkii mudada ay soo wadeen ay hada guushiisa gaareen islamarkaana diyaar u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliyeed.

Saraakiil ka socotay taliska ciidanka xooga walaalaha Turkiga oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka dugsigan loo aasaasay ay aheyd dib u dhiska ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed isla mrakaana ay sii wadi doonaan dadaaladda dib loogu xoojinayo ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Taliayaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeya guuto Odowaa Yusuf Raage ayaa u sheegay in ciidanka qalin jebiyay ama tababar usoo gabagaboobay inay howlo adag sugeyso oo ah difaaca sharafka qaranimada Soomaliyed iyo sidoo kale difaaca dhulka jamhuuriyadda.

Wasiirka gaashaandgiga Xasan Cali Maxmed (Amar-dambe) ayaa isna sidoo kale u hambalyeeyey ciidamada waxaana uu kala dardaarmay saraakiisha saraakil xigeenada iyo ururada shanaad ee xooga dalka inay aqoonta ay barteen ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegaan.

Gudoomaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo tababarka soo xeray  ayaa uga mahad celiyay walaalaha Turkiga sida ay dowladda Soomaaliyeed uga taageerayaan dib u dhiska ciidamada qalabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -