Labo qof oo lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda ayaa laba qof oo shacab ahaa ku dilay agagaarka xaafada Sei-biyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Askariga uu si bareer ah rasaas ugu furay labada qof ee shacabka ahaa, kuwaasoo markiiba goobta ku geeriyooday.

Dadka uu Ā dilay ayaa waxaa ku jiray wiil dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed kaasoo wax ka dhigan jiray mid ka mid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdisho sida dad garanaya ay xaqiijiyeen.

Askariga dilka geystay ayaa baxsaday goobta, lamana oga illaa hadda sababta uu falkan ugu kacay iyo waxa ka dhexeeyey isaga iyo labada qof ee uu nafta dhaafiyey.

Ciidamada amaanka DF ayaa goobta gaaray, iyagoo halkaas ka qaaday meydka labada qof oo la geeyey xarunta CID si baaritaan iyo cadeymo looga reebo, waxaana mudooyinkan Muqdisho ku soo badanayey dilalka ciidamadu kula kacaan shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -