Madaxweyne Qoor-qoor oo Qado sharaf u sameeyey Madaxda dowlad goboleedyada (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyay Madaxda ka qaybgalaysa shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ku soo dhoweeyay xarunta Madaxtooyada Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug.

Dib u dhac kooban ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee maanta lagu waday inuu Magaalada Dhuusamareeb uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka ee halkaas ku sugan.

Shirka ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta beri oo Sabti sida laga xigtay xubno ka tirsan masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb.

Maanta oo Jimce ahaa ayay wararku sheegayaan in la isla gartay inay noqoto nasasho iyo is-aragyo kala gaara oo ay yeesheen madaxda maamul Gobleedyada.

Go’aanka ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah uu dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -