Shir deg deg ah oo ay yeesheen Madaxda maamul goboleedyada oo war laga soo saaray

Madaxda Dowlada goboleedyada dalka ka jira ayaa shir deg deg ah oo dhinaca Internetka ah ay oo yeesheen maanta uga wada hadlay shirka la filayo in ay isugu yimaadaan iyo ajandayaasha looga hadli doono

War saxaafadeed laga soo saaray gabo gabada kulanka dhanka internetka ay yeesheen Madaxda maamul goboleedyada ayey isku raaceen in kulan isugu yimaadaan maalinta Khamiista oo ku beegan 9-ka bishan Luulyo.

Shirka ee yeelanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo ka dhacaya Dhuusomareeb ayaana looga wada hadli doonaa arimimaha masiiriga ay ugu horeyso doorashada iyo sidii ay kulan isugu imaan lahaayeen Madaxda maamul goboleedyada iyo Dowlada Federaalka

 Halkan ka Akhriso Waraka kasoo baxay maamul goboleedyada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -