Aroosad halis gashay oo go’aansatay in xaflada arooskeeda uu sii socdo (Daawo Sawirro)

Gabar u dhalatay dalka Brazil ayaa ka  bad baaday dhimasho xili ay socotay xaflada arooskeeda, waxaana goobta xaflada ka socotay mar qura laga dareemay xaalad kahwareer leh.

Diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca oo goobta xaflada keeneysay gabadha aroosada ayaa shil gashay kadibna dab qabsaday xili ay kusoo dageesay barxad ay ka socotay xaflada arooska.

Gabadha aroosada iyo dhoor qof oo diyaarada la saarnaa ayaa ka bad baaday shilkan, waxaana diyaarada la sheegay markii soo dageysay qeybta dambe dhismo kaga dhacay sidaasna dab ku qabsaday markii dhulka la dejiyay.

Aroosada oo xaalad halis ah la kulantay markii la keenay goobta xaflada ayaa la sheegay in ay diiday in la baajito arooskeeda, waxa ayna codsatay in xaflada arooskeeda in halkeeda kasii socoto .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -