Maxay WHO ka tiri dawada cusub ee loo helay cudurka safmarka ah ee COVID-19?

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo dhowaysay natiijada tijaabooyinka hordhaca ah ee dawada Dexamethasone oo lagu xaqiijiyey iney dawo u tahay cudurka COVID-19.

Bukaanada laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka ayaa la sheegay inay dhimashadooda hoos u dhacday, sidoo kale bukaanada u baahnaa Oxygen-ka ayaa tiradooda hoos u dhacday kaddib markii dawadan lagu tijaabiyay.

Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayraska gaaray UK ay badbaadin kari lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday.

Qiyaastii 19 ka mid ah 20-kii bukaan ee uu ku dhaco fayraska corona waxay ka caafimaadaan iyagoo aan isbitaal la dhigin.

Xitaa kuwa isbitaalka la dhigo badankood way kasoo kabsadaan cudurka, balse qaarkood ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in lagu xiro qalab neefsashada ka caawiya, waxaana isticmaalka qalabkaas looga maarmi doonaa kaniiniga Dexamethasone.

Dalalka saboolka ah ee dunida, oo cudurka Covid-19 uu aad u saameeyay ayey faa’iidada ugu weyn u noqon doontaa, maadaama ay tahay raqiis, meel walbana laga heli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -