Sidee maanta looga ciiday Magaalada Muqdisho & gobolada dalka?

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka ayaa xalay la sheegay in laga arkay bilashada Bisha Shawaal, waxaana xusid mudan in dowlada Somalia ay dib ugu laabatay xalay saqdii dhexe go’aan fiidnimadii hore ay gaartay oo ahaa in la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan.

Waxaa jira qaar ka mid ah masaajidada magaalada Muqdisho oo saaka aan laga tukan salaada ciida ka dib markii culumaa’udiinka gacanta ku haya ay ka shakiyeen wararka sheegaya in la arkay bisha Shawaal, waxaana sidoo kale jira dad weli sooman maanta oo ku xiran masaajidadaas.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada qaarkood iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney ku soo dhoweeyaan.

Markii la tukaday saaka salaada ciida oo ay ka horeysay takbiirta laga qaadayey masaajida ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho isugu soo baxay boqolaal iyo kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruur wata lebisyo aad u qurxoon, iyagoo isku booqanaya guryaha oo lagu diyaariyey macmacaano loogu talo galay maalinta weyn ee ciidul Fitriga, waxaana dadkaasi ay isku marxabeynayeen ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan iyo kuwo kale oo fara badan.

Caruurta oo si gaar ah ugu dhex muuqatay dadka ayaa la arkayaa iyagoo wadooyinka ordaya oo ku lebisan dhar kala jaad ah oo qurux badan, isla markaana ku ciyaaraya waxyaabo kala gedisan oo dhawaaqaya sida bastoolado, Firimbiyo iyo qalab kale oo loogu talo galay iney caruurtu ku ciyaarayaan, waxaana dadka ay ku faraxsan yihiin si aad ah munaasabada maalinta ciidul fitriga awgeed, iyadoo idaacadaha maxaliga ah ay sii deynayaan suugaan iyo barmaamijyo gaar ah oo loogu talo galay maalmaha ciida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -