Taliye Cali Gaab oo ka waramay sida uu uga badbaaday weerarkii lala beegsaday

Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) ayaa ka hadlay qarax saaka lala beegsaday gaari uu leeyahay oo marayey agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Jen. Cali Gaab oo ka hadlay dhacdadan  ayaa sheegay in gaarigiisa qarax miino lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Banaadir xiligaasoo uu xusay in isagu uusan la socon balse ay saarnaayeen ilaaladiisa gaarka ah.

“Qaraxa waxaa gaariga lala eegtay markii aniga la i geeyay goobtayda shaqada, kadibna uu gaariga u laabtay in lagu soo qaado sarkaal kale, balse qaraxa ayaa qabsaday” ayuu yiri taliye Cali Gaab.

Qaraxaas ayuu sheegay taliyuhu inuu ku dhintay askari ka tirsanaa ilaaladiisa oo lagu magacaabi jiray Xamsa Maxamed Axmed, halka saddex kalena uu dhaawac soo gaaray.

Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa sheegay inaysan jirin wararka qaarkood ee sheegayay in isaga ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, isagoo xusay inuu caafimaad qabo, isagoo askariga geeriyooday ALLE  uga baryey inuu janadii ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna u booga dhayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -