Laami kuyaala Muqdisho oo isku bedelay wabbi oo kale !! (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka da’ay roob xoogan oo saacado socday, waxaana roobkan biyo badan dhigay wadooyin badan oo kuyaala Muqdisho oo isugu jira laamiyo iyo jidcadayaal.

Roobka ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sababay in ay bur buraan wadooyin badan oo magaalada kuyaala oo isugu jiray kuwa horey u bur bursanaa iyo sidoo kale qaar kamid ah wadooyinkii dib loo dhisay.

Laamiga Warshadaha ayaa kamid ah goobaha uu saameynta badan ku yeeshay roobka xalay ka da’ay caasimada, waxaana go’ay oo biyo badan xireen qeybo kamid ah laamiga Maka Al Mukarama.

Sida aan sawirada ku arki kartaan laamiga Warshadaha gaar ahaan isgooska Ifka Xalane ayaa waxaa jaray biyo badan, waxaana laamigaasi u ekaaday wabi oo kale maadaama biyo aad u badan ay halkaasi fadhiisteen.

Laamigaasi ayaana noqday biyo fadhiisi ay dhib badan ku qabaan dadka iyo gaadiidka, waxaana mar kasta uu roob da’o laamigaasi noqdaa mid bilooyin badan u xirnaada biyaha roobka ee halkaasi fadhiista.

Maamulka gobolka Banaadir ee hada arimiya ayaa noqday maamulka ugu liita marka loo eego wax ka qabashada dhibaatooyinka roobku sababo sida wadooyinka bur bura, goobaha biyaha fadhiistaan iyo laamiyada ay carada ka dul marto.

Sawir Qaade Cabdririsaaq Jidhi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -