Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Gudoomiye kuxigeenka Maaliyadda G/Banaadir (Sawirro)

Dhalinyarada gobolka Banaadir ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir Axmed Xassan Iimaan oo dhawaan xilkaas u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xaflada ayaa waxa kasoo qeyb galay masuuliyiinta dhalinta gobolka Banaadir oo uu horkacayo gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir mudane Cabdikaafi Makaraan iyo xubno ka socday bahda waxbarashada, mihnadleyda gobolka banaadir, gudoomiyayaal hore iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Dhamaan kasoo qeyb galayasha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in qof dhalinyaro ah loo magacaabo jagooyinka ugu sareeya gobolka, iyagoo sheegay in arintan dhiiro galin u tahay dhalinyarada waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha iyo Ra,iisal wasaaraha, gudoomiyaha gobolka.

Gabagabadii waxaa xaflada soo xiray gudoomiye ku xigeenka cusub Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xassan iimaan, isagoo u mahadceliyay dhalinyarada gobolka Banaadir sida fiican oo ay uga soo shaqeeyeen xaflada quruxda badan, wuxuuna ka codsaday iney kala shaqeeyaan isaga iyo dhamaan howla wadeena gobolka sidii loo hormarin lahaa gobolka loogana shaqeyn lahaa aminigiisa.

Gudoomiyaha ayaa cadeeyay in xafiiskiisa dhalinyarada gobolka u furanyahay wixii talo iyo tusaale ahna uu qaadan doono, waxa uuna sheegay in uusan la mid noqon doonin masuuliyiinta marka ay xilka qabtaan albaabada xirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -