(Sawirro) Qeybtii labaad deeqdii Caafimaad ee Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweyne Erdoğan ayaa waxaa la diyaariyay qeybtii 2aad deeq caafimaad oo dowlada Turkigu ugu deeqday Somalia sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaas.

Qeybta labaad ayaa ka kooban agabyada gargaarka caafimaadka oo u badan sariirro casri ah oo loo adeegsado la dagaallanka cudurka COVID-19 iyo qalab kale oo muhiim ah.

Dayuurad ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa soo gaarsiin doonta magaalada Muqdisho caasimada Somalia sida baahiyeen caawa warbaahinta dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa maalmo ka hor ka dejisay magaalada Muqdisho qalab caafimaad oo ay ku jiraan mishiinada neefta siiya bukaanada, si dowladda Soomaaliya ay ugu adeegsato dagaalka lagula jiro xakameynta Faafitaanka COVID-19.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka telefanka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan caawa, isagoo uga mahad celiyey taageerada uu mar walba la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -