Dowlada oo war kasoo saartay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay qarax miino oo habeen hore ka dhacay meel ku dhaw Isgooska SOS ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan miino ayaa qaraxday xili sadex nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ku aasayeen laamiga dhinaciisa, waxaana dhaawacyo qaraxa kasoo gaaray qaar kamid ah ragii aasayay.

Akhriso War saxaafadeedka dowlada uga hadashay qaraxan miino     

Habeen hore dhawaaq qarax ayaa laga maqlay jidka dheer ee Isgoyska degmada Heliwaa. Wararkii la helayey ayaa tibaaxay in Alshabaab miino macmal ah ku aasayeen jidka taasoo isla iyagii ku qaraxday islmarkaana dishay qaar badan oo ka tirsan argagaxisada Alshabaab, halka ay qaar kale na dhaawacday. Xeeladahan ay miinooyinka ku aasayaan jidadka ayay argagaxisadu u tahay ololahooda dagaal ee ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maadaama awoodda argagaxisadu sii daciifayso, oo aysan wajihi karin dagaal toos ah oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka ayay maciinbadeen habkan daciifninada ah ee ay jidadka shacabka isticmaalo ugu aasaayaan miinooyin.

Guuliihii looga adkaaday argagaxisada Alshabaab ee magaalooyinka muhiimka ah ee Jannaale, Mubaarak , Awdheegke iyo qaar kale ayaa gayaysiiyey in ay falalka noocaan ah ku qariyaan jabkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya way cambaareynaysaa falalka noocan ee fuleynimada ah. Dowladda Federaalka Soomaliya waxa ay boogaadinaysaa askarta Soomaaliyeed ee had iyo jeeraale gaafwareega waddooyinkaa maain walba. Iyaga oo wajaha khataro farabadan ayay ciidanka Xoogga Dalka, AMISOM iyo isbahaysiga caalamigaba diyaar u yihiin in ay sii wadaan la dagaalanka argagaxisada ilaa dadka Soomaaliyeed xor ka noqdaan baqtin iyo argagax.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -