Amiir Charles oo la shaaciyay in laga helay Caabuqa halista badan ee Caronavirus

Dhaxal sugaha Boqortooyada Uk Amiir Charles ayaa baaritaano lagu sameeyay lagu ogaaday in uu ku dhacay caabuqa halista badan ee Caronavirus sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Boqortooyada UK.

War saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence ayaa lagu sheegay in baaritaano lagu sameeyay dhaxa sugaha laga helay caabuqa Caronavirus, waxaana warka lagu sheegay in ay wanaagsan tahay xaalada Amiir Charles.

Baaritaano lagu sameeyay xaaska Amiirka ayaa lagu sheegay in laga waayay caabuqa Caronavirus, waxaana Boqortooyada UK sheegtay in amiirka iyo xaaskiisa ay is karaantiileen .

“Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland, ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Cudurka Caronavirus ayaa noqday cudur aan kala saareyn dadka mansabka kala duwan ku fadhiya, waxaana cudurkan uu haleelay dad badan oo dunida magac ku leh ay ku jiraan, Madax, wasiiro, Xildhibaano, Fanaaniin , ciyaartoy iyo dad kale oo magac leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -