Ra’isul Wasaaraha Somalia & wafdi uu horkacayo oo saaka ka ambabaxay dalka

Raisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Hassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Raisul Wasaaraha ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Lama faahfaahin ujeedada rasmiga ah ee booqashada Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa balse warbaahinta dowlada ayaa sheegtay iney kulamo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaan madaxda dalka Itoobiya.

Wafdiga Raisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku sii sagootiyeen xubno ka tirsan dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -