Masuuliyiintii Ahlu Sunna oo isaga baxay Dhuusomareeb iyo xog ku aadan halka ay joogaan

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug isaga baxeen inta badan masuuliyiintii Ahlu Sunna ee dhawaan isku dhiibay ciidanka dowlada.

Sida aan wararka ku helnay Madaxii Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan , Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud, Xildhibaano iyo wasiiro katirsanaa kooxda Ahlu Sunna ayaa xalay ka baxay Dhuusomareeb.

Masuuliyiintan ayaa lagu soo waramayaa in hada gaareen magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland, waxa ayna xubnahan la midoobeen Hogaamiyihii Ahlu sunna Macalin Maxamuud oo isna dhoor malin kahor gaaray Garawe.

Hotel kuyaala magaalada Garawe ayaa la dejiyay Masuuliyiintan katirsanaa kooda Ahlu sunna ee awoodeeda la wiiqay, waxaana magaalada Garawe xubnahan kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu xariir dhaw la lahaa Ahlu Sunna ee awooda ku laheyd gobolka Galmuduud, Puntland ayaana lagu eedeyn jiray in kooxdan u adeegsan jirtay sidii ay uga hortagi laheyd in la helo Galmudug mideesan oo dekkad yeelata.

Dowlada federaalka ayaa ku fashilantay qorshe ay ku dooneysay in magaalada Muqdisho la geeyo hogaanka Ahlu sunna ee isku soo dhiibay ciidanka dowlada, waxaana markii dambe dowlada iyo Madaxda Galmudug ogolaadeen in xubnahan isaga baxaan Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -