Xukun Dal dalaad ah oo maanta lagu fuliyay Hisham Ashmawi oo mudo baxsad ku jiray

Dowlada Masar ayaa la sheegay in saakay xukun dal dalaad ah ku fulisay Hisham Ashmawi oo mudo badan baxsad ka ahaa dowlada Masar balse markii dambe lagu qabtay gudaha dalka Liibiya uu ku sugnaa,

Warbaahinta dalka Masar ayaa ku warantay in ninkan oo horey uga tiranaa ciidamada Masar saakay lagu fuliyay xukun dal dalaad ah, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu kamid ahaa kooxaha islaamiyiinta ah uuna ku lug lahaa dilal badan oo dhacay.

Dowlada Masar ayaa ninkan ay dal dashay ku eedeesay in uu ku lug lahaa weeraro waa weyn oo ka dhacay gudaha Masar iyo isku day lagu doonayay in lagu dilo  wasiirkii arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim sannadkii 2013-kii.

Hasham Ashmawi oo sidoo kale loo yaqaano Abu Cumar Al Muhaajir wuxuu ka tirsanaa ciidammada militariga u qaabilsan howlgallada gaarka ah balse shaqada ayaa laga ceeyriyay markii la arkay inuu yahay qof mayal adag.

Ciidamada Khaliifta Xaftar ee la dagaalama gudaha Liibiya ayaa ninkan gacanta ku dhigay isaga oo qeyb ka ahaa kooxaha Jihaad doonka ah, waxaana ninkan lagu wareejiyay dowlada Masar oo sanado badan ku raad joogtay

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -