Ciidamada Kenya oo la sheegay in qeyb ka noqdeen Dagaalka Balad Xaawo iyo ciidanka dowlada oo…

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii xoogeestay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee saacado kahor halkaas ka bilowday.

Dagaalka ayaa ka socda dhinaca xadka ay wadaagaan Balad Xaawo iyo Mandheera gaar ahaan saldhig ay ciidamada daraawiishta Jubbaland halkaasi uga sugnaayeen, waxaana labada ciidan isku adeegsanayaan hub culus.

Ku-simaha Gudoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ciidanka dowlada ay iska difaaceen weerar uga yimid dhinaca Ciidamada Jubbaland.

Waxa uu sheegay Macalimow in ciidanka dowlada hada ku sugan yihiin kana dagaalamayaan xadka Kenya , waxa uuna cadeeyay in khaaraaha ka dhashay dagaalka socda masuuliyadiisa qaadayaan masuuliyiinta Jubbaland ee Mandheera joogta.

Ku-simaha Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada Kenya qeyb ka yihiin dagaalka socda, waxa uuna tilmaamay hub culus ay dhinaca xadka kasoo tuurayaan ciidamada Kenya kusoo dhacayo gudaha Balad Xaawo.

Dagaalka xoogan ee ka socda degmada Balad Xaawo ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaaac, lamana oga ilaa hada inta ay la egyihiin khaaaraha dagaalka kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka dagaalamayaan meel u dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxa ayna saraakiisha ciidanka dowlada hogaamineysa guulo ka sheegteen dagaalka socda.

Waxii warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -