Wax ka ogow Taariikhda Agaasimihii Xukunka ku riday Maxkamada Ciidamada (Sawirro)

Nuur Cali Axmad Mahad Alle waxa uu ahaa Agaasime ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir 6- Bilood ka hor markii uu dhacay Qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Aun Eng.Yariisow ayaa waxaa Laamaha Amaanka ay ka soo qabteen Xarunta Gobolka xili uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa shaqo ee caadiga ahaa.

Agaasime Nuur Cali ayaana dhawaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ku xukuntay 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah ka dib markii ay ku eedeysay in uu horey uga tirsanaan jiray Ururka Alshabaab isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-shabaab.

HADABA WAA KUMA AGAASIME NUUR CALI AXMED.

Agaasime Nuur Cali Axmed waxa uu ku dhashay Baadiyaha Degmada Gal-hareeri ee Gobolka Galguduud sanadkii 1989-kii, halkaasi oo ku soo qaatay qeyb ka mid ah nolashiisa.

Agaasime Nuur Cali Axmed oo xiligaasi ahaa Geel-jire ayaa waxaa Baadiyaha uu ku noolaa ka arimin jiray Ururka Alshabaab oo xiligaasi sidoo kale haysaty Magaalooyin badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Sanadii 2008 -dii ayaa koox uu ka mid ahaa Agaasime Nuur Cali Axmed waxaa Masaajid ku yaala Degmada Gal-Hareeri kula kulmay Xubno ka tirsan Ururka Alshabaab oo ku qasabay in ay ururka ku soo biiraan ama halkaas isaga tagaan,taasi oo cabsi darted koox uu Agaasime Nuur uu ka mid ahaa ku kalifatay in uu uruka ay ku biiraan.

Agaasime Nuur Ayaan Ururka ku biiray isagoo jira da’da 17 Sano.

Hadaba markii uu Agaasime Nuur Cali Axmed uu ka soo baxay ururka Alshabaab ma jirin Xaruumo lagu diiwan galiyo Dadka ka yimid ururkaas isla markaana ka soo laabatay Fikirkooda ,marka laga reebo in la geeyo Saldhigyada Degmooyinka Ciidamada Booliiska.

AUN Cilmi Axmed Mahad alle oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliya ee xiligaasi, adeerna u a haa Agaasime Nuur ayaa geeyay Saldhiga Degmada Wardhiigley si uu uga wargeliyo in Nuur uu ka soo baxay Alshabaab isla markaana uu ka soo laabtay Fikirkaasi taasi oo ugu dambeyn sababtay in Nuur uu si nabad ah Magaaladiisa uga shaqeysto isla markaana wax ugu barto.

Sanadii 2009-kii ayuu Waxbarashadiisa ka bilaabay Magalaada Muqdisho isagoo sandkii 2011 -kii shahaadada Maadooyinka Cilmiga ka qaatay Iskuulka Adult ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Agaasime Nuur Cali Axmed ayaana Sanadkii 2013-kii ka qalin jibiyay Dugsiga sare ee Al-Cimra ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda SIU ee Muqdisho isagoona ka baxay Kuliyada Arts-ka iyo Arimaha Bulshada gaar ahaa qeybta Maamulka iyo Maareynta.

Agaasime Nuur Cali Axmed ayaa inta uu ku guda jiray Waxbarashadiisa waxa uu sidoo kale qaatay Shahaadooyin Diploma ah kuwaasi oo uu ka qaatay Machadyada ay ka mid yihiin JOBKEY ,MARWAAS IYO SIMADA UNIVERSITY oo uu hada ka baranayay qeybta Luuqadaha.

SHAQOOYINKA UU SOO QABTAY AGAASIME NUUR CALI AXMED .

Sanadkii 2010-kii ilaa 2014-kii ayaa waxa uu ka shaqeeya Dekada Magaalada Muqdisho isagoona si gaar ah uga howl galayay qeybta Bakhaarada.

Isla Sanadkii 2014-kii ilaa 2015-kii ayaa waxaa loo magacabay ku Xigeenka guud ee Socodka Badeecadaha Dekedda Muqdisho.

Sanadkii 2016-kii ilaa 2018-kii ayaa waxa uu ka shaqeynayaya isbitaalka Digfeer gaar ahaan Xogayaha Maaamulka ee isbitaalka.

Sep 2018-kii ayaa waxa uu ku biiray Maamulka Gobolka Banaadir isagoona ka noqday Agaasime ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha,waxaana tan iyo xiligaasi uu ka mid ahaa shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyadoona xiliga ay Laamaha Amaanka ay qabanayeen uu ahaa kusimaha Agaasimeha Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir maadama Agaasimihii Shaqadaasi ku dhintay Qaraxii 24-kii July ka dhacay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir.

MAXAA KA SOO BAXAY BAARISTII HAY’ADDA NISA AY KU SAMEYSAY AGASIME NUUR CALI AXMED.

Baaris dheer oo qaadatay mudo 6-Bilood ah ka dib ayaa Hay’ada Nisa waxa ay Agaasime Nuur Cali Axmed ku weysay dhamaan waxyaabihii lagu soo eedeeyay oo ay ka mid yihiin in uu hada ka tirsanaa Ururka Alshabaab isla markaan uu ku lug lahaa Qaraxii ka dhacay Xaruunta Gobolka Banaadir.

Sidaa daraadeed sida ka muuqata Sooyaalka iyo Doccomintiyada Agaasime Nuur Cali Axmed waxa uu ahaa Qof dhalinyaro ah oo ka madax baanan waxyaabaha lagu soo eedeyay maadama uu aad u da’yaraa xiligii uu ku biirayay Ururkaasi isla markaana uu ku jiray mudo ka yar 1-Sano, hadaba iyadoo taasi laga duulayo ayaa ehelada Agaasime Nuur Cali Axmed waxa ay qabaan in nidaam aan sax ahay loo marin xukunkiisa,waxa ayna Madaxda Dowlada ka dalbadeen in Agaasime Nuur Cali Axmed uu dib u helo Xuriyadiisa.

Si kastaba Dadka yaqaana Agaasime Nuur Cali Axmed ayaa wax ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi aad u wanaagsan oo ka fog waxa lagu soo eedeyay maadaama mudo ka badan 10 sano uu u shaqeynayay Nidaamka Dowlada nimada Soomaliya.

 

- Advertisement -