Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo is casilay iyo kuwa kale oo Qorsheenaya !!  

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa iska casilay kasii mid ahaanshaha Baarlmaanka Maamulkaasi, waxaana Xildhibaanadaasi Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyeen warqada is casilaadooda.

Labo Xildhibaan ayaa inta hada la xaqiijiyay iska casishay Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana kulan talaadadii Xildhibaanada Galmudug yeesheen lagu dhaariyay labo Xildhibaan oo bedelay Xildhibaanada is casilay.

Xildhibaanada is casilay ayaa mid kamid ah la sheegay in kursugiisa Xildhibaanimo u baneeyay Wiil uu dhalay oo durba kamid noqday loona dhaariyay Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug .

Lama shaacin wali sababaha ay Xildhibaanadan katirsanaa Baarlamaanka cusub ee Galmudug isku casileen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay jiraan Xildhibaano kale oo iyana qorsheenaya in ay is casilaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in qaarkood u galeen Baarlamaanka sidii ay dhaqaalo badan uga heli lahaayeen doorashooinkii dhacay, waxaana Xildhibaanada doorashdooyinkii dhacay midkiiba ka helay lacag ku dhaw 40-kun oo Dollar.

Baarlamaanka cusub ee Galmudug kamid noqoshadiisa ayaa xildhibaanada qaar ka mareen dhibaato badan , waxaana dad badan isweediinayaan waxa hada keenay in Xildhibaanada qaar si fudud isku casilaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -