(Sawirro) Qarax lagu aasay mid ka mid ah xaafadaha Kismaayo oo la fashiliyey

Ciidamada nabad sugida ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay iney maanta miino aan qarxin ka soo saareen mid ka mid ah jidadka magaalada Kismaayo.

“Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa Miino ka soo saaray waddada gasha xaafada Madiina ee magaalada Kismaayo taasoo ay deggan yihiin dadka Barakacayaasha” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidanka nabad sugida Jubbaland.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay fuliyeen ciidanka gaarka ah ee u tababaran miino baarista.

“Ciidanka Nabad-sugidda cutubka u tababaran ka hortagga walxaha qarxa ayaa fashiliyey qaraxan oo Al-Shabaab ay doonaysey inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in fashilinta qaraxan ay gacan ka geysteen dadka degaanka oo ciidanka ku soo wargeliyey miinada wadada ku aasneyd, iyagoo uga mahad celiyey, kulana dardaarmay iney sii xoojiyaan wada shaqeynta ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -