Puntland oo Qeylo dhaan ka keentay Ciidamo la sheegay in dowlada federaalka geeneyso …

Maamulka Puntand ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ciidamo xoogan ku geeneyso deegaano katirsan gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur Yare oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya dooneyso in ciidamo badan keento gobolka Mudug si ay ula wareegto.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in uu jiro qorshe dowlada federaalka Soomaaliya ugu magac dartay xoreynta gobolka Mudug laguna doonayo in Puntland gacanteeda looga saaro gobolkaasi, waxa uuna xusay in qorshahaasi uu fashil ku dambeyn doono.

Axmed Muuse ayaa sheegay in ay ogaadeen xog ku aadan in bisha sadexaad dowlada federaalka ciidamo badan keeneyso gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo si Puntland ugala wareegaan.

Waxa uuna ku hanjabay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland in talaabo milatari uga hortagi doonaan hadii deegaanada Puntland ay cagtooda soo dhigaan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya.

Qeylo dhaantan kasoo yeertay Puntland ayaa kusoo aadaya xili dowlada federaalka Soomaaliya dhawaan ciidamo badan geysay lana wareegeen degmooyinka gobolka Gedo oo horey u joogeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -