Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dab xooggan oo caawa qabsaday Warshad ku taalla duleedka Muqdisho

Dab xoog leh ayaa caawa fiidnimadii qabsaday xarunta Warshada biyaha Zam-zam oo ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Afgooye nawaaxiga tabeelaha Shiikh Ibraahim.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in dabku uu aad u xooggan yahay, isla markaana uu ku faafayo qeybo kala duwan oo ka tirsan dhismaha warshadaas.

Dabeylo ka jira maalmahanba ka jiray magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa la sheegay iney sii xoojinayaan dabkaas oo illaa hadda aan la ogeyn waxa sababay.

Waxaa soconaya gurmadyo lagu daminayo dabkaas, waxaana magaalada Muqdisho ka baxay gaadiidka dab demiska dowlada hoose oo halkaas ku sii jeeda si ay uga qeyb qaataan deminta dabkaas oo geystay khasaare Maaliyadeed.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAAH..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Somalia oo ka mid noqotay 47 dal oo laga saaray Liiska casaanka ah ee Britain

Caydiid Ali

Wasiir Jamaal oo jawaab adag siiyey Xildhibaanka u ololeynaya Aqoonsiga Somaliland

Cabdi Cade

(Sawirro) Muuse Biixi oo sameeyey arrin uu kaga dayday Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---