Ciidanka Kenya oo la sheegay in labo Ujeedo u joogaan gudaha Soomaaliya

Gudoomiyihii hore ee Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa ka hadlay ujeedooyinka ay ciidanka Kenya u joogaan gudaha Soomaaliya, waxa uuna meesha ka saaray in dalka u joogaan kaliya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Ciidamada Kenya xiligan looga baahan yahay in ay sugaan amaanka dalka Kenya uu sheegay in uu xumaaday ayna ka dhacaan weeraro lagu beegsado iskuulada iyo saldhigyada ciidamada.

Waxa uu sheegay Siyaasiga Faarax Macalin in Kenya ay ka amaan xuntahy 11-sano kahor markii ciidankooda galayeen gudaha Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay dowlada Kenya in ciidankeeda ka shaqeeyaan nabad galyada gudaha Kenya.

Faarax Macalin ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubada Hoose u joogaan labo ujeedo oo kala ah ka ganacsiga Dhuxusha iyo sidoo kale sonkorta sharci darada ah.

Hadalka Siyaasigan Soomaali Kenyanka ah ayaa kusoo aadaya xili dowlada Federaalka Soomalaiya shalay ku eedeesay dowlada Kenya in faragalin ku heyso siyaasada iyo amaanka gudaha Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -