Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray dagaalkii ka dhacay degaanka Xaaji Cali

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray dagaal xalay saqdii dhex ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabellada dhexe kaasoo dhexmaaray ciidamada milateriga iyo xoogaga Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu la wadagaaya Ummadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan in Xalay abbaare 2:00 saq dhexe cadowga Al-shabaab lagala hortagay dagaal qoreysan oo ay ciidanka u diyaariyeen Cadowga ka dib markii la helay warbixin  ku saabsan qorshe cadowgu ku doonayay weerar inuu ku soo qaado degaanka Xaaji Cali ee Gobal ka Shabeelada Dhexe” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xoogaga Al-shabaab dagaalkaas loogu geystay khasaare fara badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Cadowga waxaa loo dhigay jidgooyo qorsheysan si xirfadi ku dheehan tahay waxaana loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaalamay khasaare  aad u badan taasoo keentay inay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, ciidanka wuxuu baacsaday cadowga iyagoo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleen, waxayna dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud” ayaa sidoo kale lagu sheegay War-saxaafadeedka

Sidoo kale, taliska xoogga dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ay dagaalkaas kaga dileen 15 nin, ayna ka dhaawaceen 26 kale, iyagoo xusay in dhinacooda uu dagaalkan kaga geeriyooday hal askari, 3 kalena ay kaga dhaawacmeen.

“CXDS waxuu had iyo jeer heegan iyo fujigaan ugu jiraa ilaalinta karaamada shacabka Soomaaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siiyeen si loo difaaco karaamada sharafka iyo Madax banaanida Qaranka” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka ay soo saareen ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -