(Sawirro) Nin lagu helay inuu Kufsaday 159 rag oo xukun culus lagu riday

Nin ay maxkamad ku heshay 159 dambi oo kufsi ah, laguna qeexay inuu yahay qofka ugu kufsiga badan dalka Britain, ayaa markii ugu horreysay magaciisa la shaaciyay, ka dib markii xukun lagu riday.

Reynhard Sinaga ayaa lagu helay dambi ah inuu si xeeladeysan ku soo kaxeystay 48 nin oo ku sugnaa magaalada Manchester, ka dibna uu gurigiisa geystay, isagoo muuqaallo ka sameynayay weerarrada kufsiga ah ee uu u geysanayay.

Booliska ayaa sheegay inay hayaan caddeymo la xiriira in Sinaga, oo 34 jir ah, uu beegsaday ugu yaraan 190 dhibbane.

Sinaga ayaa ragga ku sugi jiray kalaabyada iyo makhaayadaha khamriga lagu cabo, wuxuuna gurigiisa geysan jiray isagoo ku siraya inuu siinayo meel ay khamriga u haray ku cabaan ama ay gaari qaada ku sugaan.

Dadka uu dhibka u geystay wuxuu gurigiisa u jiiday iyagoo aan miyir lahayn. Marka ay soo miyirsadaanna, intooda badan ma aysan xasuusan karin wixii dhacay.

Garsooraha maxkamadda ayaa xukumay in xabsi daa’in loo diro ninkan, hase ahaatee 30 sano oo wakhtigaas ka mid ah ay khasab tahay inuu xabsiga gudihiis ku dhameysto.

Ninkan jaamacadda dhiganayay ayaa horay u qaadanayay xukun xabsi 20 sano ah oo lagu riday, ka dib markii caddeymo loo helay 2 dacwadood oo uu soo maray, iyadoo labada jeer ee hore la maxkamadeeyay sanadkii 2018-kii iyo sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -