Saddex waxyaabood oo ay tahay inaad is weydiiso curashada sanadkan cusub ee 2020?

Haddey geeri ku deyso, gabow baan ku deyneyn. Waa hubaal, in qof weliba geeri sugeyso; maalin aad moogantahayna, mowtka lagama maarmaan noqon doono. Hase ahaatee, qof kasta oo kashuu kuu noolaado helay-waxaa waajib ku ah inuu garto, hadafka ugu weyn ee loo keenay adduunyada.
Shalay manta kuula mid maaha. Sanadki hore wuu kaaga duwanyahay kan aad ku sugantahay; si la mid ah ayuu kan soo socda uga soocanyahay kuwa aad soo dhaaftay.
Waxaa nala amray inan nafteena xisaabino ka hor dhimashadeena. Waxba tarimeyso inad xilli danbe xisaab furto xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Waa hubaal, dadka naftooda xisaabiya inay dhankasta kaga horreeyaan dhigooda kale.
Maadaama, waqtiga uusan aheyn mid ku sugaya misana aan la soo celin karin, waxaa habboon- qofka inuu ka faa’ideysto. Waxaad mudantahay, inaad is weydiiso su’aalahan ka hor sanadka cusub 2020.
1)Maxaa cilmi ah oo kuu kordhay sanadkan tagay.
Cilmiga wuxuu isugu jiraa mid Diini ah iyo Maaddi ah. Midkasta aad baratana faa’ido mooyee khasaaro laguma sheegin. Haddiise aad seegto labadooda, faqri aduunyo kaama foga.
Barashada cilmiga diiniga waa waxa uu qofka ku garan garan karo aakhiridiisa, jidka toosanna kugu haga, halka cilmiga maaddigu yahay mid adduunka kugu anfacaya.
Farqi weyn ayaa u dhaxeeya qof wax bartay iyo mid aan wax baran. Is weydii sanadkan tagay maxaa cilmi faa’ido kuu ah aduunyo iyo aakhiro oo kuu kordhay. Haddii aad waxbaratay ma yahay wax noloshaada wax ka bedelay ama wax kugu soo kordhiyay.
Haddii aad sanadkan wax badan baratay oo cilmi ama xirfad amaba aad ku guda jirtay barashadiisa, waxaad mudantahay, marka hore in Allahii kuu fududeeyay ku mahdiso, tan xigtana, inaad u mahadceliso ama aa u duceyso cid kasta oo kaa garab siisay inaad aqoontaas yeelato.
kasoo horjeedkeeda, haddii uu sanadkan kuugu dhamaaday adigoon wax cilmi diini ah ama mid maaddi ah kugu kordhin, waxaa kula gudboon inaad dib u eegto waqtigaaga halka uu ku baxay. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo waan shaqeynayay fursadna uma haayin barasho cilmi, waxaanse ku xasuusinayaa barashada cilmiga keliya ineysan aheyn inaad iskuul ama jaamacad u fariisato, bedelkeed, saacad ama ka yar oo aad maalintiii siiso waqti wax aqris ama dhageysi ayaad waxbadan ku noqon kartaa.
2)Danbiyada aad gashay.
Sida aan horay usoo carrab-baabay, waxaa nala gudboon inan is xisaabino intaan nala xisaabin ka hor. Waxaad is barbardhig ku sameyn kartaa dunuubta aad gashay sanadkan tagay iyo kii ka horreeyay midkee danbi badantahay. Xisaab ka dib, aadmi danbi kama caajisee, waxaa waajib kugu ah in Ilaahey danbi dhaaf weydiisato; kana digtoonaato sababihii keenay inaad ku dhacdo markale.
3)Acmaashaada wanaagsan.
In badan ayuu Ilaaheyn Qur’aanka kusoo celceliayay iimaanka kadib camalka wanaagsan. Waxaad sido kale miisaan saari kartaa acmaashaada wanaagsan. Tusaale, acmaasha wanaagsan waxaa ka mid ah: tukashada salaadda, soonka, bixinta sadaqada, aqrinta Qur’aanka, caawinta dadka masaakiinta, u sheegidda kheyrka dadka kale, reebidda xumaanta, wacyi gelinta bulshada, , barashada diinta IWM.
Haddii aad ku dadaashay waxaad mudantahay inad ku celceliso “Eebow mahaddaa”, haddiise aad ka gaabisay isku day sanadka xiga inaad la imaado wanaag badan aakhiradaada iyo adduunkaaga anfici kara.
Qof weliba intuu dayacuu dabkiisa soo gaaraaye, waxaad kaloo is barbardhigi kartaa xumaantaada iyo wanaagaaga midkee badnaa?. Halkaas waxaa kaaga iftiimi kara xaaladda aad ku sugantahay, iyo waxa kula gudboon.
Ugu danbeyn, midduu aadane maaganayahay, iyo midduu Alle marin doono kale mid weeyaane, intaan xaalku kugu xumaan xisaabtaada dib u eeg. Wa billaahi Towfiiq!
W/Q Abdinasir Safaana

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -