Xildhibaan katirsan Xisbiga Himilo Qaran oo beeniyay hadal kasoo yeeray Madasha Xisbiyada Qaran

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maalin ayaa beeniyay war kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo ku aadan in Ciidamo Itoobiyaan ah oon katirsaneyn AMISOM la geeyay magaalada Dhuusomareeb.

Xildhibaanka ayaana si adag u beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah oon katirsaneyn ciidamada AMISOM la geeyay magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay  warka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

”Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn, Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira” ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin.

Xildhibaanka ayaa qiray in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb mudo sadex bilood ah, waxa uuna cadeeyay in ciidankaasi katirsan yihiin AMISOM.

”Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah” ayuu yiri Xildhibaanka.

Hadlka kasoo yeeray Xildhibaankan katirsan hogaanka Xisbiga Himilo Qaran oo qeyb ka ah madasha Xidbiyada Qaran ayaa kahor imaanaya hadalka kasoo yeeray Madasha uu xisbiguusu ka tirsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -