Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Hague (Daawo Sawirada)

Nin toorey ku hubeesnaa ayaa weerar ku qaaday goob mashquul badan oo kutaala magaalada The Hague ee dalka Holland, waxaana weerarkan ka dhashay cabsi lasoo daristay dadka kunool magaalada.

Booliiska ayaa sheegay in nin aan wali la aqoonsan uu ka dambeeyay weerarkan tooreyda loo adeegsaday, waxa ayna shaaciyeen in sadex qof oo weerarka ku dhaawacantay loola carary isbitaal.

Weerrarka ayaa  ka dhacay dukaanka Hudson’s Bay ee ku yaal xaafadda Grote Marktstraat ee magaalada The Hague , waxaana dukaanka weerarka ka dhacay xiligaasi ka socotay dukaameysi maadaama ay aheyd Black Friday maalinta loogu magac daray.

Booliiska ayaa ka codsaday shacabka in ay kusoo wargaliyaan ninka weerarka geestay hadii ay aqoonsadaan, waxa ayn sidoo kale booliiska dadka ka codsadeen in muuqaalo iyo sawiro hadii ay weerarka ka qaadeen lasoo wadaagaan.

Shakhsiga weerarka ka dambeeyay ayaana la sheegay in goobta isaga baxsaday, waxaana magaalada The Hague ka socda howlgalo lagu baadi goobayo shaqsigii weerarka tooreyda loo adeegsaday ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

baxsaday ninkii ka dambeeyay weerarkan

- Advertisement -