Deegaanka doqomada oo magacii laga badelay iyo dadka kunool oo dabaal degay !!

Deegaan kuyaala Waqooyiga dalka Nageria oo lagu magacaabi jiray deegaanka doqomada ayaa sanado badan kadib magaca laga bedelay, waxaana deegaankaasi loo bixiyay magac cusub oo ay si weyn usoo dhaweeyeen dadka kunool.

Gudoomiyaha deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in magacii hore ay dhibsadeen dadka deegaanka lagana badelay, waxa uuna Gudoomiyaha sheegay in hada kadib deegaanka loogu yeeri doono Deegaan Barwaaqo.

Dadka kunool deegaankaan ayaa sanado badan ka xishoon jiray in ay sheegaan magaca deegaanka iyaga oo ka cabsi qabay in lagu maadeesto, hasa ahaatee dadka deegaanka ayaa dabaal degyo kusoo dhaweeyay magacii hore ee laga badelay iyo midka cusub .

‘’Waxay ahayd ceeb in dadka aan u sheego in aan ka imid Unguwar Wawaye oo micnaheedu yahay tuulada doqomada balse haatan anigoo dhiiran baan dhihi karaa waxaan ka imid Yalwar Kadana oo micneheedu yahay tuulada burwaaqada, waxaan u mahadcelinayaa Amiirkeena sida uu u dhageystay soo jeedinteena’’. ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Deegaankan oo kuyaala Waqooyiga dalka Nageria gaar ahaan gobolka Kanu ayaa 70-sano kahor loo bixiyay magaca micnihiisi noqonayo Deegaanka Doqomada, lamana oga waxa keenay in deegaankaasi magacaasi aan wanaagsaneyn loo bixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -