Warararkii u dambeeyey roobabka Muqdisho, dad ku dhintay & Jidad burburay (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay roobab xoogan oo galabta illaa caawa ka socda Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Roobabkan oo lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa ee muddo sanado ah ka da’a caasimada ayaa saameyn kala duwan ku yeeshay nolosha qeybaha bulshada.

Jidadka magaalada ayaa haawanaya caawa ka dib markii ay aad u yaraadeen gaadiidka iyo mootooyinka bajaajka isticmaali jiray habeenkii oo dhan sababo la xiriira jidadka qaar oo daadadku ay jareen iyo dhaqdhaqaaqa dadka joogsaday.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen roobabka caawa sida ay allbanaadir online u sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Mid ka mid ah labada qof ee geeriyooday ayaa la sheegay iney aheyd haweeney ka dhacday mooto bajaaj ay la socotay oo daadadka roobku ay ku qaadeen meel ku dhow laami yaraha Zoope.

Labo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay markii uu soo dumay dhisme ku yaala Xaafada Yuusuf Al-Kowneyn ee degmada Boondheere, kuwaasoo muddo saacado ah ay qaadatay in laga soo saaro burburka ay ku hoos jireen.

Roobabka ayaa sidoo kale caawa burbur xooggan u geystay qaar ka mid ah wadooyinkii sanadahan dambe dib u dhiska lagu sameeyey ee magaalada, waxaana jidadka illaa hadda la xaqiijiyey iney burbureen ka mid ah wadada isku xirta labada isgoys ee Ex-Gurigii shaqaalaha iyo KPP ee degmada Hodan, sidoo kale wadada isku xirta isgoysyada Bakaaraha iyo dabka ayaa la sheegay iney waxyeelo u geysteen daadadka.

Roobabkii xooganaa galabta ka bilowday caasimada ayaa yaraaday caawa abaare 9:00-kii fiidnimo inkastoo ay weli si goos goos ah u socdaan, iyagoo mararka qaarkoodna xoogeysanaya, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha naf iyo maal ee ka dhashay roobabkan ay sii kordhaan.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -