Xildhibaan loo diiday in ay ka dhoofto garoonka Aadan Cadde iyo cida ka dambeesay

Xildhibaan katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili ay kusii jeeday gobolka Gedo.

Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo maanta kahor hadashay kulanka golaha shacabka ayaa sheegtay in loo diiday in ay diyaarad ka raacdo garoonka Aadan Cadde xili ay kusii jeeday deegaanada laga soo doortay gaar ahaan gobolka Gedo.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada xili ay garoonka Aadan Cadde dooneysay in ay ka dhoofto lagu war galiyay in aysan bixi karin, waxa ayna sheegtay Xildhibaanada in lagu war galiyay in Hay’ada nabad sugida ay heysato.

Dalays Xasan Adan ayaa sheegtay in aysan wali ogeyn sababta loogu diiday in ay dhoofto gobolka ay kasoo jeedo, waxa ayna Baarlamaanka ka dalbatay in loo cadeeyo sababta loo celiyay looguna diiday in ay ka dhoofto Muqdisho.

Ajandaha kulanka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee maanta ayaana lagu soo daray arintan Xildhibaanada katirsan golaha shacabka ku qabsatay garoonka Aadan Cadde ee  loo diiday in ay aado degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dowlada ayaana wali ka hadlin hadalkan kasoo yeeray Xildhibaanadan katirsan golaha shacabka ee loo diiday in ay ka dhoofto garoonka Aadan Cadde, lamana oga wali sababta Xildhibaanadan safarkeeda loo hor istaagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -