Axmed Madoobe: “Intan ka badan kama aamusnaan karno waxa ka socda gobolka Gedo”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 21-Nofeembar-2019 shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaalada Siyaasadda iyo Amniga ee Jubbaland gaar ahaan xaalada kasoo cusbnaatey degmooyinka galbeedka Gobolka Gedo, taas oo uu Madaxweynuhu sheegay in aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda ayada oo loo saarey guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo.

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidookale warbixin lagaga dhageystey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga dakhliga Jubbaland.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ayaa ka warbixiyey ilaha dhaqaalaha Waaaradda iyo sharciyada ay u diyaarisey shati siinta Maraakiibta, Doomaha kalluumeysatada iyo shirkadaha dhoofiya kalluunka iyo aargoosatada ee deegaanada Jubbaland.

Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga mideynta dakhliga ayaa ka warbixiyey halka ay marinayaan barnaamijka mideynta dakhliga dowlada taas oo kor loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha laguna mideynayo dhamaan ilaha dakhliga ee Dowlad goboleedka Jubbaland, taas oo ay sheegeen inay meel wanaagsan umarayaan caqabadaha jirana sidii loo Xalin lahaa lagu howlanyahay.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hambalyo u diray macalimiinta Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliyaba ayada oo ay maanta ku beegantahay maalinta macallinka aduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -