Xildhibaanada Baarlamanka Puntland oo kulan deg deg ah ku leh Garoowe (Sawirro)

Xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa saaka ka socda qaban-qaabada kulan deg deg ah oo ay halkaas ku yeelanayaan Xildhibaanada Maamulka.

Kulanka waxaa shir gudoominaya gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilada Puntalnd Abukaate Cabdicasiis, iyadoo la filayo in xildhibaanada la horkeeno mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha baarlamanka Puntland Dhoobo-daarood kaasoo ay soo gudbiyeen illaa 44 ka mid ah xildhibanaada Puntland.

Ciidamadii ilaalada ka hayey xaruntaas ee xalay la dagaalamay ciidamo ka socday Madaxtooyada ayaa la sheegay in halkaas laga qaaday saaka, iyadoo xarunta amnigeeda lagu wareejiyey ciidamo daacad u ah Madaxweyne Deni.

Gudoomiye Dhoobo ayaa la sheegay inuu ka maqan yahay kulankan, waxaana la filayaa in loo codeeyo mooshinkan oo ay gadaal ka riixeyso madaxtooyada Puntland oo khilaaf ba’an uu kala dhexeeyo gudoomiyaha.

Hoolka baarlamanka ayaa waxaa sugan hadda tiro xildhibaano ah halka qaar kalena la sugayo, iyadoo kulankan uu ku soo aaday xili shalay gudoomiye Dhoobo uu fasax sadex cisho ah u diray xildhibaanada, kaasoo hadda u muuqda inuu meesha ka baxay.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -